Faransiiska Oo Hakiyay Dowrkiisa Howlgalka Nato

0
384

Faransiiska Oo Hakiyay Dowrkiisa Howlgalka Nato

Dowladda Faransiiska ayaa si ku meelgaar ah waxa ay uga baxday howlgalka ammaanka ee gaashaanbuurta Nato, xilli uu khilaaf wayn kala dhaxeeyo dowladda Turkiga.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in Faransiiska uu hakiyay doorkii uu ku lahaa Howlgalka Ilaalinta Badda, iyadoo Turkiga ku eedaysay inuu ku xadgudbay cunaqabataynta hubka ee saaran Liibiya.
Arrintan ayaa imanaysa todobaadyo kaddib markii maraakiib Turkiga uu leeyahay lagu eedeeyay inay bartimaameedsadeen markab dagaal oo uu Faransiiska leeyahay oo marayay badweynta Mediterranean-ka – arrintaas oo ay Ankara si xooggan gaashaanka ugu daruurtay.

Dalalka gaashaanbuurta Nato ayaa waxaa loo malaynayaa inay kala taageerayaan dhinacyada iskuhaya dagaalka sokeeye ee Liibiya.
Dalkaas ayaa waxaa ragaadiyay colaad tan iyo markii ay ciidamo uu baritaarayay isbahaysiga Nato ay xilka ka tuureen Korneel Mucamar Qadaafi.
Dalkan ayaa saliidda qaniga ku ah ayaa waxa uu marin muhiim ah u yahay muhaajiriinta Afrika ka soo qulqulaysa ee ku wajahan qaaradda Yurub.
Waqtigan la joogo, ciidammada dowladda ay baritaarto Qaramada Midoobay ayaa waxa ay la dagaalamayaan kuwa Janaraal Khaliifa Xaftar kuwaas oo ka arrimiya qeyba badan oo bariga iyo koonfurta Liibiya ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here