Puntland Oo Ka Baaqsatay Shirkii DFS Iyo M/Goboleedyada Iyo Go’aan La Saarayo

0
379

Puntland Oo Ka Baaqsatay Shirkii DFS Iyo M/Goboleedyada Iyo Go’aan La Saarayo

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in Dowlad Goboleedka Puntland ay ka baaqsatay ka qeyb gelida Shirka wada-tashiga dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka ee ka dhacayo Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa la sheegay in xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada uu ku wargeliyay in kulamo gaar ah yeeshaan oo ay uga doodayaan, sidii loo saari lahaa War-saxaafadeed ka dhan ah Arrimaha siyaasadda dowladda Federaalka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Puntland saacadaha soo socda ay soo saari doonto Go’aan ay kaga baaqsatay Shirka wadatashida dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka oo 5-ta bisha soo socota ka dhici doono Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Magaalada Garoowe ayaa haatan waxaa uu kulan socdaa Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, iyagoona dood adeg ka yeelanaya xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sar looga siiyay 13-xubnoodm iyo arrimo oo ku aadan Doorashada dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here