Wasaaradda Caafimaadka Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Covid 19 Ah

0
396

Wasaaradda Caafimaadka Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Covid 19 Ah

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 58 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 12 qof, mana jirto qof u dhintay cudurka oo ay Wasaaraddu sheegtay.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 49 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 9-ka kale ay yihiin haween.

32 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay Gobalka Banaadir, Hirshabeelle 11, Somaliland, 8 Galmudug 3, Puntland 2, Koonfur Galbeed 1 iyo Jubbaland 1 qof.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,204 waxaa bogsootay guud ahaan 418 ruux. Halka 79 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here