Rabshadihii Minneapolis oo sii xoogeystay & Xaalada oo faraha ka baxday

0
440

Rabshadihii Minneapolis oo sii xoogeystay & Xaalada oo faraha ka baxday

Banaanbaxyo rabshado wata ayaa maalintii 3aad ka socda magaalada Minneapolis gobolka Minesota ee dalka Maraykanka kuwaasoo looga oo horjeeda dil ay booliska u geysteen nin madow ah oo lagu magacaabo George Floyd.

Ciidamada Ilaalad Qaranka Mareykanka ayaa lagu daabulay magaalada Minneapolis iyagoo loogu baaqay iney soo celiyaan nidaamka iyo kala dambeyntii magaalada.

Floyd, oo ahaa 46 sano jir ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay isgaoo oronaya ” Ma neefsan karo” waxaana markaasi luqunta jilibka kaga hayay nin cadaan oo boolis ah.

Wuxuu la kulmay boolis fiidnimadi 25-kii bishan Mayka dib markii askarta la wacay oo loo sheegay nin looga shakisan yahay inuu foorjari ama been abuur sameynayo.

Booliska ayaa sunta dadka ilmeysiisa oodda uga qaaday mudaaharaadayaasha iyadoo la arkayay ganacsiyo la boobayo. Waxaa sidoo kale banaanbaxyo ka dhaceen Chicago, Illinois, Los Angeles, California, iyo Memphis, Tennessee.

Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa ciidamada ilaalada qaranka ku daabulay Minneapolis kaddib markii ay maayarada codsadeen in ciidamadaasi la keeno iyadoo xaaladda amniga ay faraha ka baxday. Waxa uu sheegay in boobka ay geysanayaan dibadbaxayasha u sababay in ganacsiyo badan khasaaro loo geysto, oo ay ka mid yihiin kuwa ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay.

”Geerida George Floyd waa iney nagu hogaamisa dhanka cadaaladda ee ma ahan in ay horseeddo burbur iyo dhimasho hor-leh.” Waxa uuna waxbixin uu soo saaray mudaaharaadyaasha ugu baaqay iney si nabdoon u banaan-baxaan.

Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay in qareenka dagmada Hennepin Mike Freeman uu dacwad ku soo oogo sarkaakiishii booliska ahayd ee ku lugta lahaa dhimashadii George Floyd.

Frey ayaa waxa uu sidoo kale yiri: ” George Floyd wuxuu u qalmaa cadaalad, qoyskiisa wuxuu ubaahan yahay cadaalad, bulshada madow waxay ubaahantahay cadaalad iyo magaaladeenuna waxay xaq u leedahay caddaadda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here