Puntland Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Coronavirus Ah Iyo Tirada Kiisaska Cusub

0
401

Puntland Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Coronavirus Ah Iyo Tirada Kiisaska Cusub

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay natiijada baar lagu sameeyay dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,kuwaas oo Wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay Cudurka.

Qoraal kasoo Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in uu hoos ugu dhacay dadka laga helayo Xanaanunka,isla markaana dadkii la baaray oo gaarayay 87 Ruux Cudurka laga helay 8 Ruux oo kala ah 7 Rag ah iyo Hal Dumar ah.

Wasaaradda waxaa ay sheegtay in dadka laga helay Cudurka COVID 19 ay kala joogaan Gobolada Nugaal,Mudug iyo Gardafu,isla markaana haatan dadkaasi Cudurka laga helay ay ku jiraan xaalad karantiil ah.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay gaartay 178 qof, waxaa u dhintay 6 qof halka ay ka caafimaadeen 15 qof.

Tirada la baaray ee laga helay Cudurka Coronavirus ee deegaannada Puntland kama mid ahan xaaladihii cusbaa oo ay shalay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya,hayeeshee Maanta la filayo inay Wasaaradda shaaciso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here