WHO Oo Joojisay Tijaabinta Daawo Halis Ku Ah Bukaanada COVID-19

0
359

WHO Oo Joojisay Tijaabinta Daawo Halis Ku Ah Bukaanada COVID-19

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay tijaabooyinka lagu waday dawada malaariyada ee hydroxychloroquine in lagu daweyn karo Coronavirus iyo inkale si ku meel gaar ah in loo joojiyey sababa la xiriira badqabka dawadaasi awgeed.

Hay’adda WHO waxay Isniinti sheegtay waddama dhowr ah iney tijaabooyinki ay wadeen ‘si ku meel gaar ahna’ loo joojiyey.

Go’aanka WHO ayaa imanaya kaddib marki daraasad dhawaan la sameeyey ay ku talabixisay dawadaasi iney khatar dhimasho ku sii kordhinesyo bukaannada uu soo ritay Covid-19.

Madaxweyne Donald Trump ayaa isna sheegay inuu dawada uu isticmaalay si uu uga hortago faayraska corona.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa marar badan ka dhawaajiyey dawada looga hortago cudurka malaariyada in cudurka Corona lagu daweyn karo, balse talooyinka iyo digniinaha ay soo jeedinayaan khubarada caafimaadka waxay ku sheegeen daawadaasi iney khatar dhinaca wadnaha ay keeneyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here