Wasiir Ka Tirsan Puntland Oo U Geeriyooday Cudurka COVID-19

0
368

Wasiir Ka Tirsan Puntland Oo U Geeriyooday Cudurka COVID-19

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ku geeriyooday Wasiirkii deegaanka iyo Beeraha dowlad Goboleedka Puntland oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaalla Caasimadda.

Wasiirka oo lagu magacaabi Ismaaciil Ga’madiid ayaa waxaa ku dhacay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo muddooyinkii dambe la xanuusanaa, isagoo ugu dambeyn u geeriyooday.

Allaha u naxariistee Geerida Marxuum Ga’madiid ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Wasiir Ga’madiid ayaa dhawaan waxaa xaalad Caafimaad loogu soo qaaday Magaalada Muqdisho, wuxuuna kamid ahaa dad deegaanka Puntland oo kula dhacay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisaas farabadan laga helay halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here