Taliye Ku-Xigeenkii Ciidanka Asluubta Somaliland Oo Geeriyooday

0
450

Taliye Ku-Xigeenkii Ciidanka Asluubta Somaliland Oo Geeriyooday

Waxaa xalay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ku geeriyooday Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Asluubta Somaliland, kaas oo lagu magacaabi jiray General Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle.

Saraakliil ka tirsan Ciidanka Asluubta Somaliland ayaa sheegay in Taliye Cabdiraxmaan Fooxle uu xanuun qabtay, isla markaana si deg deg ah loogula cararay Isbitaalka guud ee Hargeysa, isagoona daqiiqado kadib geeriyooday.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka iyo ka shacbiga Somaliland ayaa waxaa uu dhambaal tacsi ah u diray, ciidamada kala duwan ee Somaliland, gaar ahaan ciidanka Asluubta, waxgaradka, waayeelka asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee General Marxuum Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo ku geeriyooday Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here