Jubbaland Oo Shaacisay Waqtiga Ay Qaadeyso Imtixaanka Shahaadiga

0
390

Jubbaland Oo Shaacisay Waqtiga Ay Qaadeyso Imtixaanka Shahaadiga

Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Isniin ah shaacisay waqtiga rasmig ah ee la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee dugsiga hoose ee deegaanada Jubbaland loo fariisin doono 11-ka bisha 7-aad ee July ee 2020, iyadoo uu qorshahu ahaa in la qaado 6-da bisha soo socota ee June , hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa caddeeysay in Imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare la qaadi doono 4-ta bisha July ee 2020, waxaana Jubbaland sheegtay in hadii wax ka bedel lagu sameeynayo waqtigaas ay la kaashan doonaan Wasaaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here