DEG DEG : Somaliland Oo Shaacisay 35 Kiis Oo Cusub Oo Laga Helay Coronavirus Iyo Magaalooyinka Ay Joogaa Dadkaasi

0
475

DEG DEG : Somaliland Oo Shaacisay 35 Kiis Oo Cusub Oo Laga Helay Coronavirus Iyo Magaalooyinka Ay Joogaa Dadkaasi

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta oo Isniin ah shaacisay inay diiwaan-gelisay Kiisas farabadan oo ah Cudurka halista ah ee Coronavirus oo saameyn ballaaran ku yeeshay Caalamka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa lagu sheegay in Cudurka laga helay 24-kii saac ee ugu dambeeyay 35 qof, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay, kadibna la ogaaday inay qabaan COVID-19.

Dadka laga helay Cudurka ayaa waxaa ay kala yihiin 24 qof oo rag iyo 11 ruux oo Dumar, waxaana 14 qof ay degan yihiin Magaalada Boorama, Burco 8 qof, Hargeysa 8 qof, Berbera 2 qof, Laascaanood 2 qof iyo Allaybaday 1 qof.

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu xusay in xanuunka saacadihii lasoo dhaafay halkaas ay ugu geeriyootay Haweeney, taasi oo da’deedu ahayd 35-jir.

Si kastaba Tirada guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa gaartay 186 qof, halka ay Cudurka halkaas ugu geeriyoodeen 15 Ruux, waxaana ka bogsatay 19 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here