Inta badan dalalka Islaamka iyo qeybo ka mid ah Soomaaliya oo maalinta laga ciiday

0
349

Inta badan dalalka Islaamka iyo qeybo ka mid ah Soomaaliya oo maalinta laga ciiday

Inta badan dalalka Islaamka ayaa maanta oo Axad ah laga ciiday maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga, kaddib markii shalay oo Sabti aheyd ay dhameystireen 30-ka bisha Ramadan.

Dhalashada Bisha Shawaal ayaa si weyn loogu jahwareeray, waxaana ka dhashay khilaaf sababay in markii u horeysay muddo sanado ah labo maalin lakala ciido.

Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Turkiga, Malaysia, Indonesia, Sudan, Baxreyn, Qatar iyo kuwa kale ayaa maanta laga ciiday.

Sidoo kale meelo ka mid ah Soomaaliya ayaa maanta laga ciiday maalinta koowaad ee Ciida, waxaana dadku ahaayeen kuwo qeybna shalay ciiday, qeybna maanta ciidaya.

Meelaha maanta laga ciiday ayaa waxaa ka mid qeybo ka mid ah Muqdisho oo saaka Masaajidada laga maqlayay Takbiirta, sidoo kale Jowhar, Dhuusamareeb, Warsheekh, Guriceel, Dhuusamareeb iyo meelo kale

Soomaaliya ayaa sanadkaan 2020 waxaa ay u aheyd sanad la isku khilaafay Maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga, kadib markii Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya uu laba jeer marna sheegay in Sabtida Ciid aheyn, halka Saqdii Dhexe ee habeen ka hor uu sheegay in la Ciidayo, taas ayaa sabab u aheyd in lakala ciido.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here