Maamulka Puntland Oo Shaaciyay Kiisas Cusub Oo Coronavirus Ah

0
375

Maamulka Puntland Oo Shaaciyay Kiisas Cusub Oo Coronavirus Ah

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,balse laga baaray,kuwaas oo Wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay Cudurka.

Qoraal kasoo baxay Guddiga wacyigelinta iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 35 qof balse Cudurka laga helay 7 Ruux oo kala ah 6 Rag ah iyo Hal Dumar ah.

Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in dadka laga helay Cudurka COVID 19 ay kala joogaan Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Bari,isla markaana haatan dadkaasi Cudurka laga helay ay ku jiraan xaalad karantiil ah.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 170 qof Halka Shan qof ay ugeeriyoodeen xanuunka.

Tirada la baaray ee laga helay Cudurka Coronavirus ee deegaannada Puntland kama mid ahan xaaladihii cusbaa oo ay shalay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya,hayeeshee Maanta la filayo inay Wasaaradda shaaciso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here