Haayada Caafimaadka Aduunka Oo Shaacisay In Ay Dunidu Waajahayso Kiisaskii Ugu Badnaa Ee Coronavirus Ah

0
337

Haayada Caafimaadka Aduunka Oo Shaacisay In Ay Dunidu Waajahayso Kiisaskii Ugu Badnaa Ee Coronavirus Ah

Hay’adda Caafimadka Adduunka ee WHO ayaa arbacadi ka digaty cudurka safmarka ee coronavirus ay wakhti dheer qaadaneyso si ay dunida uga lug baxdo iyada oo ay waddama badabn diiwaan geliyeen kiisaska cusub ee maalinlaha ee ugu badnaa.

Hay’adda WHO waxay sheegtay 24-kii saac ee ugu dambeeyey in dunida laga diiwaan geliyey 106,000 oo kiis oo cusub.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimadka Adduunka ee WHO Dr Tewedros Adhanom Gabreyesus ayaa walaac ka muujiyey kiisaska cusub ee soo kordhay iyo waddamada dhaqaalahooda uu dhexdhexaadka yahay ama uu hooseeya sida uu cudurkan safmarka uu u saameyn karo.

Digniinta WHO ayaa ku so beegmeysa xilli ay kiisaska cudurka ee dunida ay ku sii dhaw yihiin 5 malyan.

Khubarada caafimaadkuna waxay ka digeen tirada kiisaska cudurka ee dunida oo haatan lagu sheegay ku dhawaad 5 malyan iney aad ugu badan tahay tirada rasmiga ah dadka uu cudurka haleelay, waddamada qaar oo aan baaritaanno badan sameyna ay keeni karto iney tirada kiisaska cudurka hoos u dhigaan.

In ka badan 326,000 oo qpf ayaa cudurkan safmarka dunida ugu geeriyooday, sida ay tibaaxeyso xogta laga helayo Jaamacadda John Hopkins oo diiwaangeliso kiisaska cudurka ee dunida.

Dalka Mareykanka ayaana noqday waddan uu si weyn uu cudurka u saameeyey iyada oo dad ka badan 1.5 malyan uu cudurka soo ritay 92,000 oo qofna ay cudurka u dhinteen.

WHO maxay sheegtay?
“Hay’adda WHO waxay sheegtay 24-kii saac ee ugu dameeyey in dunida laga diiwan geliyey 106,000 oo kiisas cusub, tani iyo marka uu cudurka dunida ka dillaacay waa tiradi maalinlaha ee ugu badneed oo la diiwaangeliyo,” ayuu yiri Dr Tewedros Adhanom oo arbacadi shir jaraa’id qabtay.

“Ku dhawaad seddex meelood laba ka mid ah kiisaskaasi waxaa laga diiwaangeliyey afar dal oo keli ah,” ayuu sii raaciyey.
Dr Tewedros waxaa kale oo ka digay iney weli dunida u baahan tahay wakhti dheer si ay cudurkan safmarka ay uga lug baxdo.

Digniinta Agaasimaha WHO ayaa ku soo beegmeysa xilli ay waddama badan oo uu Mareykanka ka mid yahay ay billaabeen iney xayiraadaha iyo bandowga ay horay u soo rogeen ay dabciyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here