Gobolada Dalka Maraykanka Oo Xayiraada Laga Qaadayo Xili Ay Wali Taagan Tahay Haliska Coronavirus

0
407

Gobolada Dalka Maraykanka Oo Xayiraada Laga Qaadayo Xili Ay Wali Taagan Tahay Haliska Coronavirus

Iyada oo tirada dhimashada ee dalka ay kor u dhaaftay 92,000,oo qof dhammaan 50-ka gobol ee dalka Mareykanka ayaa haddana qeyb ahaan dib loo furay ka dib laba bilood oo xayiraad ay saraneed.

Arbacadii gobalka, Connecticut waxaa uu noqday gobolk ugu dambeeya ee qaada xayiraadaha iyadoo dib u furistaanka dukaamada iyo maqaayadahana lagu lamaaniyay shuruudo la xiriira in dadku muujiyeen taxaddar dheeri ah .

Balse waa kaaf iyo kala dheeri marka la eego heerka faafitaanka cudurka karona iyo qaadista xayiraadaha oo ujeedka laga leeyahay uu yahay dib u soo kabista dhaqaalaha .

In badan oo ka mid ah goballad ayaan raacin tilmaamaha dowladda fedaraalka ah oo ay ku jirto afar iyo toban maalin oo lagu saleynyo heerka cudurka.

Degmada Columbia ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo dib u furitaanka tododdbaadka soo socda.

Dowladdu dalka oo dhan, waxey u aragtaa in hoos u dhac uu ku yimid xaaladaha cusub iyo dhimashada muddo ka dib.

Qaar ka mid ah aagagga ay dhibaatadu sida weyn u saameysay, oo ay ku jiraan New York, New Jersey iyo gobolka Washington ayaa hadda muujinaya hoos u dhac aad u wanaagsan.

Si kastaba ha noqotee, gobollada sida Arizona iyo North Carolina waxaa la sheegayaa in tiradu ay sii kordhi karto.
Kuwa badan sida gobalka Connecticut waxay ku bilaabeen hanaan gobolka oo dhan ah, oo leh heerar kala duwan oo lagu xakameyay fayraska, halka gobolada sida Oklahoma ay hadda u oggolaadaan dadweynaha inay ka qeybgalaan isu imaatinada sida kuwa diiniga ah iyo xitaa inay dadku ay tagi karaan goobaha dadka isugu yimadaan .

Gobalka Kaliforniya, tusaale ahaan, maqaayadaha qaarkood iyo meelaha lagu iibiyo waxyaabaha tafaariiqda ah oo kale waa loo oggol yahay in ay furaan, laakiin waa keliya gobollada ku habboon heerarka tijaabada iyo hoos u dhigidda heerarka faafitaanka cudurka.
Maxey yihiin tilmaamaha cusub ee la soo saraay ?
Waxaa la soo saaray qoraal ka kooban Lixdan bog oo looga hadlayo habka la doonayo in ay dadku u taxaddaraan ,waxana xaruunta cudurada koontaroosha ee magaceeda loo soo gaabiyo CDC, ay sheegtay in ay muhiim tahay in aad loogu dadaalo qaadashada talooyinka la xiriira kala fogaanshiyaha iyo baaritaano la isku samaeeyo, si gaar ahana ardayda iskuulada iyo shaqaalaha kale in ay muujiyaan taxaddaro dheeri ah .

Sidoo kale CDC, waxey ku talineysaa in maqaayadaha la furayo la xadiddo dadkana ay u fariistaan hab waafaqsan kala fogaanshaha .

Goballad ayaa loo jeedinaya atalooyin la xiriira in ay la socdaan wararka cudurka iyo calaamadaha lagu garto cudurka .

Maxaa kale oo ka dhacaya Mareykanka?
Maalin uun ka dib markii shaqaaluhu ku soo noqdeen shaqada Ford oo ku taal Chicago, kumanaan ayaa lagu qasbay in ay baxaan goobta ka dib markii qof laga helay xanuunka , sida ay BBC-da ka soo xigatay Telefishinka CBS .

Florida ugu yaraan 47,471 oo kiis ayaa la xaqiijiyay waxaana ay ka mid tahay meelaha dadaalka u galay in dib loo furo .

Dowladda Mareykanka ayaa maalin kasta waxay baaritaan ku sameysaa kumannaan qof.

Tirada uu cudurka soo ridanayo Mareykanka iyo tirada u dhimanaysa ayaa hoos u dhacday marka loo barbardhigo toddobaadyo ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here