Dowlada Kenya oo 2 toddobaad ku kordhisay Bandowga saaran Islii

0
421

Dowlada Kenya oo 2 toddobaad ku kordhisay Bandowga saaran Islii

Dowlada Kenya ayaa labo toddobaad oo hor leh ku dartay bandowga saaran xaafada Eastleigh,taasoo soconaysa illaa 6-da bisha June.

Inta badan dadka ku nool xaafadda Eastleigh oo ah Soomaali ayaa aad uga walwalsan iyadoo maalmaha ciidda ay ku soo beegantay xilli ay saaran tahay bandowga.

Dowlada Kenya ayaa qaaday tallaabadan kadib markii tirada dadka uu soo ritey cudurka Covid-19 ay gaartay kun ruux.

24kii saac ee ugu dambeeyay ayaa tirada dadka laga helay cudurka Covid-19 waxa ay kor u dhaaftay boqol kun oo ruux.

Agaasimaha Guud ee WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in dadka uu cudurkan soo ridanayo ay aad ugu badan yihiin illaa afar wadan.

Guud ahaan dadka cudurkan u dhintey caalamka ayaa waxaa ay gaarayaan illaa 324,000 ruux, sida ay shaacisay Johns Hopkins university.

Wadanka Maraykanka ayaa ah dalka ugu badan iyadoo uu cudurkan ku dhacay dad gaaraya 1.5 malyan oo ruux halka dalalka Ruushka,Russia, Brazil iyo UK ay ku soo xigaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here