Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
464

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Qarax xoogan oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo sigaar uga dhacay Isgoyska Banaadir.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda, xili uu marayay Isgoyska Banaadir ee Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegay in qaraxaas uu ka dhashay Khasaaro, isla markaaana goobta ay ka baxeysay uuro cirka isku shareertay.

Warar la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay gaari uu leeyahay Taliyaha hogaanka Caafimaadka ee Booliska Soomaaliyeed Cali Xirsi Bare Cali Gaab, hayeeshee uu ka badbaayay.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday hal Askari oo ka tirsanaa Ilaalada Cali Gaab, halka saddex kalena dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo loo qaaday Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo aaga xiray, balse baaritaano oo ku aadan qaraxaas, kadib furay wadada.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan qaraxaas ka dhacay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, isla markaana geystay Khasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here