Dowlada Fadaraalka Somaliya Oo Diyaarada Gargaar Caafimaad Sida Gaadhsiisay Magaalada Badhan Ee Gobolka Sanaag

0
489

Dowlada Fadaraalka Somaliya Oo Diyaarada Gargaar Caafimaad Sida Gaadhsiisay Magaalada Badhan Ee Gobolka Sanaag

Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag waxaa Maanta dowladda Soomaaliya ay gaarsiisay diyaarad sida qalab looga hortagga Cudurka Safmareenka ee Coronavirus.

Diyaaraddan oo ka ambabaxday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la socda Xubno ka socda Dowladda Somaaliya,waxana qalabka ay ku wareejiyeen Maamulka degmada Badhan.

Deeqdaan Agabka ah ayaa qeyb ka ah kaalmo bilow ah oo ay dawladda Federaalka kahirgalin doonto bilaha soo socda Dhahar, Badhan iyo Buuhoodle kuna kacaysa 12Malyan oo Dollar.

Maalin ka hor ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in Madaxda sare ee Puntland ay kasoo horjeesteen in dowladda Soomaaliya ay diyaarad sida Agab geyso Magaalada Badhan,iyaga oo aan soo marsiin,hayeeshee ugu dambeyn la xaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here