Khilaaf Ka Dhashay Diyaarad Sida Gargaar Oo DFS U Direyso G/Sanaag

0
407

Khilaaf Ka Dhashay Diyaarad Sida Gargaar Oo DFS U Direyso G/Sanaag

Diyaarad siday Gargaar Caafimaad oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay dooneysay in Maanta ay u dirto degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ku yimid dib u dhac duulimaadkii ay ku tegi laheyd halkaas.

Sababta keentay in dib u dhac uu yimaado diyaaradaas oo waday Gargaar Caafimaad ayaa waxaa lagu sheegay mid la la xiriira dhanka waqtiga, waxaana la xaqiijiyay in Gargaar ay dowladda la gaarsiin doono halkaas.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maamulka Puntland uu diiday in diyaaradaas ka degto Garoonka diyaaradaha Badhan, hayeeshee qaar kamid ah Waxgaradka degmadaas ayaa la xusay in Puntland ay ku qanciyeen in diyaarada halkaas ka degto maalinta berrito.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii shalay aheyd agab Caafimaad oo looga hortaga Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19 gaarsiiyay Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here