Erdogan oo ku dhawaaqay Bandow lagu soo rogay gobolada Turkiga maalmaha Ciidda

0
429

Erdogan oo ku dhawaaqay Bandow lagu soo rogay gobolada Turkiga maalmaha Ciidda

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu bandow ku soo rogay maalmaha ciidda dhammaan gobolada dalkaas, laga bilaabo maalinta Sabtida ee soo socota, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.

Erdgan ayaa ku dhawaaqay in bandowgan uu socon doono muddo afar maalmood ah, laga bilaabo maalinta Sabtida ee soo socota, isla markaana ku eg Talaadada, si loo hakiyo isu imaatinta dadweynaha ee maalmaha Ciidda.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu baaqay dadweynaha inay u hoggaansamaan bandowga maalmaha ciidda lagu soo rogay, ayna dhaqan geliyaan talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga Coronavirus.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka ay da’dooda ka weyn tahay 65 sano loo ogol yahay inay socdaan lixda saacadood ee u horeysa maalinta ay kow tahay Ciidda.

Waxaa kaloo uu sheegay in masaajidada lagu dukan karo Salaadaha jamaacada sida duhurka iyo casirka oo kaliya mudada uu socdo bandowga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here