Dowladda Oo Soo Bandhigtay Qorshe Ku Aadan Dabaal-Dega Ciidul Fidriga

0
324

Dowladda Oo Soo Bandhigtay Qorshe Ku Aadan Dabaal-Dega Ciidul Fidriga

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay Shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta Cudurka Coronavirus oo kiisas farabadan laga helay gudaha dalka.

Inta uu socday kulanka Guddiga Qaran ee COVID-19 ayaa waxaa looga hadlay sidii looga hortegi lahaa faafitaanka Cudurka oo sameeyn ballaaran yeeshay, isla markaana ay dad badan u geeriyoodeen.

Kulankaas oo ahaa mid Mareegta Internet-ka ah ayaa waxaa ka qeyb ahaa dhamaan xubnaha Guddiga qaran ee ka hortega Cudurka iyo xubno kale.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshe ay bulshadu maalmaha ciidda ugu damaashaadi karaan faxadda ,iyada oo la joogteynayo tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona sida kala fogaanshaha iyo dhammaan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah ka hor tagga safma.

Munaasabadda Ciidul fidriga ayaa waxaa ka harsan maalmo kooban, waxaana lagu jiraa maalmihii ugu dambeeyay ee Bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo Ciidan ay ku soo aadeyso xili aduunka oo dhan uu sameeyay Cudurka halista ee Coronavirus.

Dhinaca kale 1,455 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 163 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 57.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here