Dad Hor Leh Oo Qaba Cudurka COVID-19 Oo Laga Helay Somaliland

0
373

Dad Hor Leh Oo Qaba Cudurka COVID-19 Oo Laga Helay Somaliland

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada kasoo baxday dad dhowr ah oo looga shakisnaa Cudurka COVID-19, kuwaas oo qaarkood laga helay Cudurkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga helay 8 ruux, kadib baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay lagu ogaaday inay qabaan Cudurka.

Dadka laga helay Cudurka oo dhamaantood rag ah ayaa waxaa ay 5 kamid ah ku sugan yihiin Magaalada Berdera, halka qof kalena uu degan yahay Hargeysa iyo 2 qof oo ku sugan Burco.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in hal qof uu Cudurka ugu geeriyooday halkaas, isla markaana ahaa Nin da’diisuna aheyd 85jir oo maalmihii lasoo dhaafay la jiifay Cudurka.

Tirada guud ee Cudurka COVID-19 laga helay deegaanada Somaliland ayaa gaartay 139, waxaana Cudurka halkaas ugu geeriyootay 10 ruux, halka ay Cudurka ka bogsatay dhowr qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here