Diyaarad Gargaar Sida Oo Ka Degtay Garoonka Hargeysa

0
540

Diyaarad Gargaar Sida Oo Ka Degtay Garoonka Hargeysa

Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa Maanta oo sabti waxaa ka degtay diyaarad sida qalab Caafimaad oo looga talagalay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo saameeyn ku yeeshay aduunka oo dhan.

Diyaaradaan ayaa waxaa ay ka timid wadanka Qatar, waxaana la sheegay inay wado qalab Caafimaad oo ay Qatar ugu deeqay Soomaaliland, kuwaas oo isugu jira kuwo looga hortagayo Cudurka Coronavirus iyo kuwo lagula tacaalayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa deeqda Caafimaad kula wareegya Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, iyagoona u mahadceliyay Qatar, sidoo kalena sheegay in Gargaarka uu kusoo aaday xili loo baahan yahay.

Soomaaliland ayaa kal hore waxaa qalab Caafimaad ugu wareejiyay Imaaraadka Carabta, iyadoona halkaas laga helay 87 ruux oo qaba Cudurka halista ee COVID-19, waxaana ugu geeriyootay 8 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here