Cuntooyin Dalkeenna Laga Helo Oo Xoojiya Awoodda Difaaca Jidhka Aadamaha

0
1594

Cuntooyin Dalkeenna Laga Helo Oo Xoojiya Awoodda Difaaca Jidhka Aadamaha

Marba marka ka dambaysa waxaa adduunyada ku soo kordhaya xaaladaha caafimaad darro ee aadamaha dhibaatada ku haya, waxa aanay taasi kor u qaadday waxsoosaarka dawooyinka. Inkasta oo ay dawadu tahay shayga keliya ee aynu kula tacaali karno xanuunnada, haddana waxa ay culimada caafimaadka ku xeeldheere isla qirsanyihiin in dawooyinku ay leeyihiin raadad taban oo ku lammaan waxtarkooda, sidaas awgeed waxaa aad loogu taliyaa in ka hortagga xanuunka lagu dadaalo. Maadaama oo ay adduunyada ku soo badanayaan dadka laga daweynayo dhibaato kaga dhalaltay dawooyin ay isticmaaleen.

Ka hortagga ugu muhiimsani waa in qofku uu xoojiyo habdhiska difaaca ee jidhkiisa, kaas oo hababka uu ku kordhin karo ay ka mid tahay, cuntooyinka dabiiciga ah, noocyo dawooyinka ka mid ah iyo xitaa jimicsiga iyo biyo badan oo uu qofku cabbo.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa cuntooyin dabiici ah oo ay xeeldheereyaal caafimaad qireen in ay kaalin muuqata ka qaataan xoojinta habdhsika difaaca jidhka aadamaha.

Malabka shinnida

Malabka shinnidu waxa uu si aad u heersarraysa u daweeyaa caabuqa iyo nabarowga, dhuunta / hunguriga. Waxa aana ku jira iskudhisyo liddi ku ah bakteeriyada. Sidaas awgeed waa dawo caabuqa u fiican iyo ka hortag awood badan.

Toonta

Toontu waxa ay hodan ku tahay lidka bukaanka waxa aanay ka hortagtaa caabuqa. In caabuqa iyo bukaanka laga hortagaana waa hab xoojinaya habdhiska difaaca ee qofka.

Asiidhka liinta

Cuntooyina asiidhka dhanaan leh ee liintu ugu horreysaa waxa ay ka mid yihiin ilaha ugu muhiimsan ee qofku uu ka helo faytamiin “C” oo ka mid ah fataymiinnada xoojiya habdhiska difaaca jidhka. Sidaas awgeed liin dhanaanta ayaa ah dawo lagula tacaalo xanuunno kala duwan.

Sinjibiisha iyo huruudda (Karkamka)

Sinjibiishu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka aynu isticmaalno laakiin huruudda oo ay sinjibiisha isku qoys yihiin dumarka Soomaalidu waxa ay marsadaan jidhka maadaama oo ay nadiifinta iyo furista midabka maqaarka kaalin weyn ka qaadato. Laakiin waxaa aad looga war la’yahay in ay cuntooyinka caafimaadka u fiican ka mid tahay.

Labadan geed waa dhirta ugu fiican ee laga helo lidka bakteeriyada iyo jeermisga. Waxa aanay la awood yihiin, marar badanna ka awood badan tahay dawooyinka jeermisdilaha ah (Antibaayootik).

Cuntada badda

Kalluunka iyo guud ahaan cuntooyinka kala duwan ee baddu waa ay hodan ku yihiin maadadda Sinki (Zinc) oo lagama maarmaan u ah samaysanka unugyada difaaca.

Ugu dambayntii marka laga yimaaddo cuntooyinkaas waxa ay xeeldheereyaasha caafimaadku caddeeyeen in guud ahaan cuntooyinka leh Faytamiinnada ‘C’ iyo dawlada Faytamiinkan ahiba ay yihiin fataymiinnada ugu muhiimsan habdhiska difaaca jidhka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here