WAA MAXAY SABABTA AY DADKEENU U TAGI WAAYAAN GOOBAHA CAAFIMAADKA SI AY ISAGA BAADHAAN CUDURKA COVID-19 AMA ISAGA DAWEEYAAN?

0
693

WAA MAXAY SABABTA AY DADKEENU U TAGI WAAYAAN GOOBAHA CAAFIMAADKA SI AY ISAGA BAADHAAN CUDURKA COVID-19 AMA ISAGA DAWEEYAAN?

Dadka soomaalida guud ahaan waxa ay ka siman yahiin dhayalsiga iyo yaraysiga hadba dhibta caafimaad ee soo foodsaarta. Qormadan waxa aan isku dayi doonaa in aan idinkula wadaago baadhitaan aan muddo kooban ku jirey oo ku saabsan in aan wax ka ogaado sababaha keeney in dadkeenu aanay hore u tagin goob caafimaad intan lagu jiro safmarkan dunida wada gaadhay ee Covid-19. Cudurkan Covid-19 waa dhib ay dhamaan dunnida ka wada siman tahay walaw lagu kala badan yahay laguna kala dagaal iyo dedaal badan yahay.
Haddaba dalkeena waxa uusoo gaadhay muddo yar ka hor marka loo eego sida uu dunnida kale ku gaadhay waxaana ka muuqata in uu xawaare ku socdo faafidiisu, hase ahaatee waxa bulshadii ku yar ka warqabka, ogaalka iyo ka warheynta waxyeelada iyo dhibka cudurkan leeyahay.
Waxa halkan aan idinkula wadaagi doonaa toban qodob oo iisoo baxay kadib baadhid iyo ka fikir badan oo aan ku sameeyey intan uu cudurkan socdo. Baadhidu maaha mid daraasad iyo cilmi baadhis ah, waxa ay tahay mid aan indho indheyn iyo dhego dhegayn hadba wararka iyo dhaqanka bulshada dhexdeeda aan ku maray oo fal celinta, jawaab celinta iyo weedhaha bulshada dhexdeeda ku jira ee iiga dhex muuqday an kalaso baxay.
Todoba sababood ayaa ay ila tahay in dadkeenu aanay u tagi karin goobaha caafimaadka si looga baadho ama looga daaweeyo cudurkan Covid-19. Sababahan waa kuwa hortaagan dhaqaaqa dedaalka ay dawladeenu ugu jirto joojinta iyo xakamaynta cudurkan waana kuwo u baahan in si gaar ah looga fikiro loona darso
Qodobadan waxa ay kala yahiin sidan:-
DADKEENU MALAHA DABCI IYO HAB DHAQAN CAAFIMAAD ILAALINEED (Health Behaviour):- Ilaalinta, ka warheynta iyo ku feejignaanta caafimaadka qof ahaaneed waa mid ku yar dadkeena. Waxa qodobkani yahay ficilada iyo dhaqanka qofku uu sameeyo si uu isaga ilaaliyo dhibaatooyin caafimaad, ka hortago kuna dedaalo in uu yeesho jidh caafimaad qaba. Waa dabciga iyo hab dhaqanka keenaya in uu qofku ku dhiirado in uu tago goob caafimaad haddi uu dareemo is badal caafimaad, haddii uu shakiyo iyo haddi is baadhid guud oo todobaadleh, bille, lix bille ama sanadle samaynaayo.
Dabcigan waa ka qofka u kexeeyaa goobaha caafimaadka sida dhakhtar, cusbitaal, farmasi ama xannaano haddii u dareemo xanuun si uu usoo qaato daawooyin.
Tusaale, Madax xannuun, dadbaa jira marka ay madax xanuun dareemaan muddo kooban kadib haddi uu ka tagi waayo isku daya in ay goob caafimaad la xidhiidhaan si ay uso ogaadaan sababta iyo waxa dhibku yahay, dhanka kale waxa jira dad muddo badan iska adkeesta oo ku odhanaya maalmahanba madaxa iska kay xanuunaayay oo waan iska isitiilayaa uun.
Sabatan ayaa waxa ay kor u qaadi kartaa in qofku bulshada dhex joogo isaga oo leh dhamaan astaamahii cudurka Covid-19 uu dareenba ka qaadan waayo ah in uu goob caafimaad tago. Dadkeena badankiisu imika waxay kuugu jawaabayaan duribaa igu yar xumaaday ama duribaa I yar hayay maalmahan. Dareenkiisu siin maayo xaaladan lagu jiro iyo cudurkan imika socda ee calaamdahan durriga leh iska soo baadh.
Waa arrinta keentey in dad badan aanay kuba warqabin in cudurkani jiro.

DADKEENA WAA SUGAYAAL INTA AY BUKAAN NOQONAYAAN IYO INTA CUDURKU SOO RIDANAAYO (Sickess and Complications):- Guud ahaan dadkeena markaaad u fiirfiirsato sida qoyskeena, ehelkeena, asxaabteena iyo bulshada aynu la nool nahay waxa ay u badan yahiin kuwo lagu war helo uun marka uu qof cudur soo rito ee uu dhul yaal noqdo (Bukaan Jiif).
Dhaqankan iyo dabcigan waa inagu badan yahay oo waxa aynu sugnaa inta cudurku gaadhayo xaalad adag oo dani ku kalifto in qofku tago cusbitaal.
Cudur kastaa inta uu bilawga yahay waa la dareemaa walaw cudurada kala duwan yahiin hadane isbadalka qofku waa dareema. Haddiiba uu qofka muddo hayana si fiican baa lo gartaa. Haddaba iyada o ay sidaa tahay dadkeena kuma dhacaan in ay goob caafimaad tagaan, waxa laga yaabaa in uu muddo daalaa dhacaayo oo uu dareemayo xanuun marba marka ka dambeeysa sii adkaanaya hadddana dareenkiisa siin maayo orod dhakhtar u tag se marka uu muddo is hayn waayo ama socon waayo ee uu jiifsado ayaa hadhaw loo geeyaa goob caaafimad markasa hadba dhibkii haysey loo sheegaa tusaale ahaan cudur hebel baa lagaa heley. Waxa intaas dheer oo dhagaheena ku soo dhacda in dadka qaar lagu canaantaba maxaad goor hore u imaan wayday.
Sababtana waa mid inagu jilbo dhigatay oo kordhin karta khatarta faafida cudurka Covid-19. Imika waxa aad arkeysa dad badan oo leh calaamado u dhaw kuwa cudurkan ha yeeshee aan iman karin goob caafimaad si loo baadho waayo waxa uu naftiisa ugu sheekeynayaa waad iska caafimaadeysaa waa qufac yar, ama waa xumad yar, muddo kadibne ay noqoto in lasoo qaaado isaga oo bukaan jiif ah waayo waxa uu sugaayay in uu halkan gaadho oo qofka marka uu halkan gaadho ayuu xaqiiqsadaa in uu buko inta kale uma tirsana.

DHAQANKA IYO SAAMAYNTA BULSHADA (Community Customs, Behaviour):- Bulshadeena waa u dhaqan waana u caadi in qofka ay aragto isaga oo socda oo sheekeynayaa uu u yahay mid caafimaad qaba. Haddi aad dad badan ka dhex tidhaah xanuun baan maalmahan dareemayaa oo waxaan damcay in aan dhakhtar u tago jawaabaha ugu horeeya ee lagula boobaayaa waa; ‘ma ninkaagaan/gabadhaadan ordeysa ayaa buka/ta, waxbe kuma hayaane shaydaanka iska naar, waad shakidee waxbe kuma hayaan, quruxdaas/hilibkaas/cadaankaas baad leedahaybe xanuunka xaguu kuusoo maray, iyo anaguba waanu iska xanuunsanaaye hadana waanagaa kula fadhine kula soconee marne maad naga dareentey, qof adag iska dhigoo calaacalka nagadaa’
Qofkasta oo imika isaga shakiyaa in uu yeeshey calaamadaha cudurkan Covid-19 oo naftiisa la raba in uu goob caafimaad tago ama lasoo xidhiiidho waxa dib u riixaya dadkeena (bulshada, ehelka, qoyska iyo asxaabta). Waxa dhaqankan bulshadu saamayn ku leeyahay qofka oo waa ka gaadhsiiya in qofku bukaan jiif noqdo. Si gaar ah haddii aynu usoo qaadano qoyska dhexdiida; qof kamid ah qoysku haddi uu sheegto in uu buko oo calaamado sheego, ugu horeyn waalidkeen aya odhanaya waxbe noqon meyside waxaas yar (tilmaaan daawo) isticmaaloo iska naso. Waxaa laga yaabaa in qofku haddii uu intaas hadlaayo aan dheg loo dhigin se maalintaa u dhaco lala raadsado goob caafimaad.
Dhaqankan isna waxa uu kamid yahay dhaqamada inagu jilba dhigtey ee aynu u baahanahay in aynu meesha ka saarno waana mid imika ka qayb qaadan kara faafida iyo korodhka cudurkan Covid-19.
Waa caqabada ugu weyn ee ku kala dhex jirta dedaalka dawlada iyo bulshada waana dabar u baahan in laga furo bulshada.

HELID LA’AANTA DHAQAALE, ADEEG IYO DARYEEL CAAFIMAAD (Health Care System, Socioeconomic Status):- Dadkeena badankiisa ma laha ilo dhaqaale oo xoogan sidoo kale ma haystaan daryeel iyo adeeg caafimaad oo xoogan oo lacag la’aan ah. Qiyaas dal bulshadiisa u badani ay tahay bulsho dhaqaale liidata adeega iyo daryeelka caafimaad ee ay heli lahaayeena kaga xidhan yahay dhaqaale.
Dadka in ay ku dhiiradaan goob caafimaad waxa ka horjooga oo ay ka baqayaan dhaqaalaha iyo kharashka kaga baxaaya goobaha caafimaadka oo badankooda mid ba midkale kasii daran yahay.
Qoyska iyo ehelka cidda ka buktaa waxa ay kala wareegayaan in qofkaas la geeyo goob caafimaad dhaqaale xumada bulshada dhexdeeda ka jirta aawadeed.
Dawladeena wali ma yeelan adeeg caafimaad oo xoogan oo kaafin kara bulshada wadanka oo dhan walaw aanu dedaal iyo kartiba yarayn hadane wa mid aad u liidata. Goobihii dawliga ahaa ee dadku adeegyo ku filan oo kharash ahaan ay awoodi karaana waxa dadkii kasoo daabushay cusbitaalo gaar loo leeyahay oo kharashka bukaanka laga qaado iyo adeega la siiyaa ay aad ukala durugsan yahiin.
Arrintan waxa ay iyana kordhin kartaa in dadka u haleeley cudurkan Covid-19 guryaha lagu haysto xataa haddi uu gaadho xaalad adag. Sababtu dadku waxa ay ka fikiryaan kharashaadka looga baahan yahay xataa haddi uu billaash u boqdo adeegu in aanay rumeysan.
Dhamaan adeegyada la siinaayo bukaanada u jiifa cudurkan waa in aanay u baahan kharash badan haddiiba aanay lacag la’aan noqon karayn si dadkeena ay ugu dhiiradaan in bukaanki xaaladiisa halis gasho lala soo gaadho cusbitaalada lo diyaariyey bukaanada cudurkan.

FOGAYN IYO FAQUUQ (Discrimination):- In qofku ku dhiirado in uu sheegto ama tago goob caafimaad si uu isaga soo baadho cudurkan Covid-19 waxa kala wayn oo kaga culeys iyo xoog badan falcelinta iyo weedhaha uu hadhaw ka cabsi qabo in ay bulshada uga yimaadaan.
Waxa qofku aanu ka haysan kalsooni buuxda iyo garab istaag bulshadii uu la noolaa haddiiba lagu sheego cudurkan. Waxa xoog iyo xawaare ku socota xanta iyo ereyada la isla dhex maro sida ‘hebel ba cudurki laga heley, reer hebel cudurki ba laga heley, iyo iska ilaaliya hebel cudurbuu qabaaye’. Waa tan sababta keentey in qofku iska qarsado hadba wxii dhib caafimaad uu qabo. Isagoo leh dhamaan calaamadahi cudurka sida qufac badan iyo xumad heerkeedu sarreeyo ayaa uu bulshada isaga dhex jiraa waliba uu sii kordhiyaa macaamilka iyo dhexgalka bulshada si aan loogaba shakiyin qufacan badan ee uu leeyahay, haddiiba ay dhacdo in la waydiiyana waxa jawaabtiisa noqotaa ‘duri yarbaa xalay meel halkana kasoo qaaday’.
Waxa sidoo kale jira arrimo intan ka wayn oo qofka iyo ehelkiisaba ka siman yahiin in haddiba ay sheegaan qofka cudurkan u buka in la maydhi waayo maydkiisa, la aasi waayo, jinaasadisa laga qayb gali waayo ama laguba tukan waayo oo sidaas lagu aaso.
Arrintan waa sababaha ugu xoogan ee keeni karta ilaa imikana aniga iigu muuqata in ay ka qayb qaadatay korodhka hadba bukaanada soo kordhaaya gaar ahaan kuwa lagaso qaadaayo xaafadaha magaalada.

FARMASIYO TIRO BADAN (Pharmacies):- Magaaladda aad joogto haddi aad ugu fiirsato sakad kasta oo aad marto waxa laga yaabaa in uu ugu yaraan hal ama laba farmasi ku yaalaan. Waxa ay arintani sabab u noqon kartaa in qofkasta oo qaaday cudurkan kadib marka uu calamadaha yeesho uu tago farmasiga jaarkisa kadib uu kasoo qaato daaawada hadba calaamadas u ka cabanayo sida qufaca, xumada, shubanka, cuncunka indhaha iyo dhamaan calaamadaha kale ee cudurkan Covid-19.
Tiradan badan ee farmasiyadu waxa ay kala dhex galaysaa heeganka iyo dagaalka lagula jiro cudurkan iyo cidii hawsha baaxadan leeg loo waday oo dadweynaha ah.
Waxa ay saamayn iyo dib u dhac ku yeelanaysaa hadba cidii ay dawlada u xil saartay arintan oo ma heli doonaan bukaano badan oo lasoo xidhiidha ama iskood isku keena goobaha loo diyaariyey bukaanada cudurkan.
Waxa ay wiiqeysaa oo ay dhaawacaysaa dagaalki lagula jiirey cudurkan iyo dedaalkii loogu jirey bulshada.
Inta bulshadu heleyso goobo ay sida ay doonto ugasoo miisato daawo kasta oo ay doonaan waa ay adkaanaysa siina fogaaneysa in xakamaha loo qabto cudurkan.

SAFMARKAN OO KALE OO AN DUNNIDA KUSOO DHAWAAN (Pandemics):- Bulshadeena badankeedu aad ayay u yar tahay intii usoo joogtay safmar sida kan oo kale dunnida usoo wada gaadhay. Waa sababta keentey in dadkeenu aanay hore u rumeysan oo ay ka dhego adkaadaan halista cudurkan oo aynu kala kulano canaad iyo dhayalsi.
Dadweynaha dunida kale waa ku caan cuduro faafa oo aad u laaya, tan ayaa keentey in ay yahiin kuwo marwalbe diyaar u ah xaalad kasta oo caafimaad oo la galo.
Dadkeena badankiisa hore uma arkin xaaladan oo kale sidaas darteed tani waa caqabad wayn oo seeto ku noqon doonta dedaalka loogu jiro cudurkan sidii loo xakamayn lahaa.
Bilawgii cudurkan dadkeenu umaso jeedin waxaanay kaa aaminsanaayeen in uu yahay cudur Jaayniiska uun ku kooban, markuu soo dhaafay hadane waxay kaa aamineen cudur gaalada uun ku kooban, marki wadamo badan oo muslimiin ah uu yimine waxay ka aamineen soomalida masoo gaadhayo, markii uu soomalida yimidne waxa warkoodi noqdey wax cudur ahi ma jiree dawladeena uunba gaalada iyo haayaadka wax bixiya wax kaga dooneysa.
Waa kuwaa bulshada aad ku dhex nooshahay ee haddi aad wax u baratay lagaa rabo in aad badasho. Haddi aad rabto in aad ogaato heerka ay bulshadeena ka aaminsantahay cudurkan la raac gaaddiidka dadweynaha dhegeyso weedhaha iyo hadalada lays dhaafsanayo. Waayeel, dhalinyar, dumar iyo ragba waaa kuwo ka siman dhamaan dhego adayga iyo rumeyn la’aanta xaqiida maanta hortooda taala.

GUNNAANAD:-
Todobadaas qodob ayaa iiga dhex muuqdey bulshadeena markii aan muddo kooban indhaha ku hayay. Dedaalada loogu jiro la dagaalanka cudurkan waxa ka hor taagan dawlada sida ay aniga iigu muuqato waa qodobadan iyo kuwo kale oo badan oo u baahan in si fiiican loo daraaseeyo.
Dhamaan qodobadani waxa ay ka siman yahiin wacyi galin la’aanta bulshada dhexdeeda ka jirta.
Waxa aan talo usoo jeedin lahaa guddida u xil saaraan arrintan in ay xooga saaarto wacyi galinta iyo badalida dhaqamadan inagu adkaaday ee bulshada dhexdeeda ku xoogan.
Xalka ugu muhiimsan ee aynu ku xoojin karnaa dagaalka cudurkan waa wacyi galin balaadhan oo ummada wada gaadha. Wacyi galin noocyo kala duwan leh oo dhamaan meelkasta iyo si kasta oo bulshada dhaqamadan looga dhex tiritiri karo lagu dedaalo.
Haddi aad ka mid tahay dadka aqoonta leh ee wadankan iyo dadkan wax u bartay fadlan ku dedaal in dadkeena aynu ka dhex saarno dhaqmadan noocan ah.
Alle SWT haynaga hayo dhibka cudurkan, ha ino caafimaadiyo inta uu inaga haleeley cudurkani, dhamaan deegaanada soomali ha inooga dhigo mid caafimaad iyo nabad qaba.
AMIIN…AMIIN…AMIIN
Cabdisalam Saciid Aw Xasan
Hargeisa – Somaliland
Wixii Talo iyo toosin ah:-
Abuabdirahman13@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here