Madaxwayne Erdogan Oo Amray In Aysan Guryaha Kasoo Bixin Dadka Ka Yar Da’da 20 sano

0
354

Madaxwayne Erdogan Oo Amray In Aysan Guryaha Kasoo Bixin Dadka Ka Yar Da’da 20 sano

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku soo rogay bandow qayb ahaan ah muwaaddiniinta da’doodu ka yartahay 20 sano taas oo qayb ka ah tallaabooyinka lagu xakameynaayo faafitaanka Cudurka coronavirus-ka.

Bandowga khasabka ah ayaa la fuliyay saqdii dhexe ee xalay ka dib markii Erdogan uu jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

Waxaa uu sidoo kale ku dhawaaqay in la xiro xuduudaha 31 magaalo isku socodka gaadiidka dadweynaha marka laga reebo kuwa wadda Qorshayeyaasha muhiimka ah.

Magaalooyinka bandowga lagu soo rogay waxaa ku jira Ankara iyo Istanbuul.

“Waxaan go’aansanay in aan bandooga qeyb ahaan dhaqan galino dadka ka yar da’da 20 sano illaa saqda dhexe ee jimcaha,” ayuu yiri Erdogan.

“Xiritaanka xuduudaha magaalada ayaa dhaqan galaya 15 maalmood . Si kastaba ha noqotee, muddadan waa la kordhin karaa haddii loo baahdo,” ayuu Erdogan ka sheegay shir jaraa’id.

Turkiga ayaa horay dadka da’dooda ku weyn tahay 65 Sano ku amray in aysan guryaha kasoo bixi karin.

Tiradda uu sameeyay Corona dalka Turkiga waa 20,921, tiradda dhimashada waa 425 tirada ka bogsatay waa 484.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here