Tirada dadka uu ku dhacay COVID-19 oo kor u dhaaftay Hal malyan oo ruux

0
409

Tirada dadka uu ku dhacay COVID-19 oo kor u dhaaftay Hal malyan oo ruux

Guud ahaan tirada dadka uu soo ritey cudurka Coronavirus ee caalamka ayaa kor u dhaaftay hal malyan oo ruux iyadoo dadka u dhinteyna ay gaarayan 51,000 oo ruux iyadoo tirada daka ka bogsadayna ay gaartay 208,000.

Wadanka Spain ayaa heerka dhimashada ee cudurkan waxa ay gaartay toban kun oo ruux iyadoo maanta oo kaliya ay u dhinteen cudurkan inkabadan kun ruux.

Dalka Maraykanka oo ah wadanka ugu badan ee uu cudurkan saameeyay ayaa waxaa la soo sheegay in gaareen dadka u geeriyooday cudurkan 5,600, halka dadka uu cudurkan ku dhacayna ay gaarayaan 234,000.

Heerka dhimashada cudurka Coronavirus ee dalka Faransiiska ayaa kor u dhaafay 5,400 oo ruux. Wadanka Iran oo dad badan ay u dhinteen cudurkan Coronaha ayaa afhayeenkii Baarlamaanka Cali Larijani laga helay cudurkan,waxana uu ku biirayaa madax badan oo laga helay cudurkan.

Dalka Canada ayaa tirada u dhimatay cudurkan waxa ay gaartay 127 ruux halka dadka uu cudurku soo riteyna ay gaarayaan 10,132ruux.

Wadanka Kenya ayaa labo qof oo horleh ay cudurkan ugu kala dhinteen magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa,guud ahaan dadka laga helay cudurkan dalka Kenya ayaa waxa ay gaartay 110 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here