Shan Dal Oo Go’aamo Yaableh Ka Soo Saaray Coronavirys

0
404

Shan Dal Oo Go’aamo Yaableh Ka Soo Saaray Coronavirys

Tani iyo inta cudurka Covid-19 uu dunida ka dillaacay wax badan ayaa dunida ku soo kordhay. Waddamada qaniga lagu tilmaamayey waxay sheegeen inta ay awoddooda ay gaarsiisan tahay.

Waddama badan ayaa si ay u xakameeyaan cudurka safmarka ee Coronavirus ayaa qaaday tallaabbooyin adag oo ay oo ay shacabka waddamadooda ku xakameynayaan.

Balse shan dal shuruuc ay cudurka ka soo saareen ayaa noqday kuwa ka duwan waddamada kale.

1. Serbia

Serbia waxay xaddidday saacadaha ay dadka eeyaha rabbaayadeysto ay dibadda u soo saari karaan.

8-9 fiidnimo oo keli ah iney dibadda u soo bixin karaan eyda ayey dowladda sharci ahaan u soo saartay balse waxaa go’aankaasi si weyn uga soo horjeestay muwaaddiniinta dalkaasi.

Wixi markaasi ka dambeeyeyna dowladda waxayba gabi ahaanba mamnuucday inaan eeyda la soo saari karin.

2. Colombia

Dalka Colombia waxay soo saartay sharci dhigayo dadku iney guriyahooda ka soo bixi karaan wakhtiga ay dowladda u qoondeysay oo ay ku saleysay aqoonsiga muwaaddinnimo ee qofka.

Tusaala ahaan qofka uu lambarka aqoonsigiisu uu ku dhammaado 0, 4 ama 7 waxaa loo oggol yahay iney Isniinta oo keli ah ay gurigooda ka bixi karaan si faafitaanka cudurka loo xakameeyo.

Aqoonsiyada ku dhammaado 1, 8 iyo 5 Talaadada ayay gurigooda ka soo bixi karaan. Dalka Bolivia ee dersika la ah wuxuu qaatay go’aan la mid ah kan uu qaatay dalka Colombia
3. Panama

Panama waxay ka mid tahay waddamada ku yaalla bartmaha qaaradda Mareykanka.

1,000 qof oo dalkaasi ku nool ayuu haleelay Faayrsaka Corona. Waxayna Panama soo saartay go’aan ah iney muwaaddiniinteeda guriyahooda ka soo bixin.

Balse sacada kooban oo keli ah ayey muwaaddiniinteeda u oggolaatay iney leyrsan karaan. Waxayna fasaxa u kala saartay jinsi.

Laga billaabo arbacadana waxay muwaaddiniinta gurigooda ay ka bixi karaan 2 sacadood oo keli ah maalintii. Balse waxay dowladda kala duwday maalinta ay ragga soo bixi karaan iyo maalinta ay dumarka soo bixi karaan, hase yeeshee dowladda Panama ma aysan sheegin sababta ay go’aan noocaas ah u qaaadatay.

Maalinta Axaddana sida uu dhigayo sharciga ay dowladda Panama soo saartay rag iyo dumar midkoodna looma oggola iney guriiyahooda ka soo baxaan.

Wasiirka Amniga dalkaasi Huwan Pino wuxuu sheegay g’aankan iney dowladdu u soo saartay si ay naftiinna u badbaadisee uma soo saarin danteeda.

4. Belarus

Madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenka wuxuu ka mid yahay madaxda caalamka ee sida aadka ah ugu jeesjeesay cudurka safmarka ee Coronavirus.

Inta uu madaxweyne Lukashenka uu soo fadhiistay telefishiinka afka dowladda ku hadla ayuu yiri “Waa maxay Corona-ha aad ka sheekeyneysaan? anigu faayrsaka iima muuqdo ayuu yiri.”

Madaxweynaha wuxuu hadalkaasi yiri xilli uu daawanayey shacab ku ciyaaraya barafka, wuxuuna intaa ku daray “Haddii uu faayras noocaasi uu jirana barafkan aad ku ciyaareysaan ayaa baab’inaya” isaga oo kaftan ka dhigaya.

Haddii cudurka qofka ku dhacana waxaa u dawo ah ayuu yiri “Khamriga Vodka, Vodka waa inaad cabtaan.”

Waxaana dalkaasi sidoodi hore uga socda tartammada ciyaaraha iyo kulammada kala duwan iyada oo sheegtay ineysan cudurka wax cabsi ah ka qabin.

5. Turkmenistan

Dalka Turkmenistan si ay u xakameyso cudurka safmarka waxay qaadday tallaabbo ka duwan kuwa ay qaadeen waddamada kale. Wuxuuna dalkaasi go’aansaday oo uu xayiraad uu ku soo rogay magaca cudurka ee ‘Coronavirus’.

Dalka Turkmenistan lagama oggolo adeegsiga magaca cudurka ee “Coronavirus”.

Dowladda Turkmenistan waraaqaha wacyigelinta caafimaadka waxay gabi ahaanba ka saartay kalmadda “Coronavirus”.

Wuxuuna dalkaasi uu soo saaray sharci adag oo dhigaya ciddi warbaahinta kala duwan ka adeegsado “Coronavirus” iyo ciddi xirato cufaafka (afxidhka) iney xabsi la kulmi karto.

Wuxuuna dalka Turkmenistan oo deris la ah dalka Iiraan uu sida weyn u saameeyey cudurka Coronavirus ay ku doodeysaa inaan weli dalkeeda laga helin cudurka Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here