Ciidamada Turkiga Xabsiga U Taxaabay Dad Ay Somali Ku Jirtay Iyo Sobobta

0
364

Ciidamada Turkiga Xabsiga U Taxaabay Dad Ay Somali Ku Jirtay Iyo Sobobta

Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Turkiga ayaa waxaa ay Xabsiga dhigeen in ka badan 50 Ruux oo ay Soomaali ku jiraan,kuwaas oo kusoo dhacay xilli ay howlgallo wadeen Ciidamada dalkaasi Turkiga.

Sida uu qorey Daily Sabax dadkaasi ayaa waxaa ay isugu jiraan Tahriibayaal iyo kuwa Qaxooti ah,isla markaana dadkaasi la qabtey xilli ay doonayeen inay doon ugu ambabaxaan dalka Gariiga.

Dadka ay Ciidamada ilaalada xeebaha dalka turkiga ay xireen ayaa waxaa ay kasoo kala jeedaan dalalka Koongada Dimuqraadiga,Soomaaliya, Siiriya, Gambia, Tunusia, Jamhuuriyadda Bartamaah afrika iyo Falastiin.

Ciidamada Turkiga ayaa dhamaan 50 ruux oo ay qabteen ayaa Daily Sabax sheegay in ay ku wareejiyeen hay’adda Socdaalka si loo hubiyo dhaq dhaqaaqooda,kuwaas oo la isugu geeyey hal goob.

Dowladda turkiga ayaa dhawaan furtey xadka ay la wadaagto dalka Gariiga,waxaana xiligaasi wixii ka dambeeyey bilaawdey quqlqulka muhaajiriinta,iyada oo sidoo kale dowladda turkiga ay xir xirtey dad badan oo doonayey inay dalkaasi si qarsoodi ah uga baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here