Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Arrinta Dowladda Soomaaliya Iyo Somaliland

0
379

Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Arrinta Dowladda Soomaaliya Iyo Somaliland

Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka hadlay wadahadallada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland iyo Safarka la sheegayay inuu Madaxweye Farmaajo ku tegayo Hargeysa.

Xasan Sheekh ayaa oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in arrinta Soomaaliland ay soo taagneyd muddo 30-sanno ah, isla markaana wadahadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland aan lagu xalin karin muddo kooban iyo in si kale loo maro..

“Somaliland arrinteedu waxay soo taagneed 30-sano, dadkii wax soo kala gaareen inta is xali waayeen, anigoo nin kale diyaaradiisa saaran ayaan tegayaa oo soo xalinayaa mid suurta gelee maaha, taasna cidda madaxweynaha kula talisay garan mayo ”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa waxaa uu sheegay raali-gelintii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu siiyay Shacabkii Gobolada Waqooyi ay aheyd bilow wanaagsan, hayeeshee aysan dhameystirneyn oo loo baahnaa inuu si wanaagsan u wajaho arrintaas.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu tilmaamay inuu siweyn uga soo horjeedo Safarka la sheegayay inuu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Magaalada Hargeysa, isaga oo la socda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Dhinaca kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu dhaliil xoogan u jeediyay la-taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay inay yihiin kuwa arrimaha taagan ka sii daraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here