Madaxweyne Salva Kiir oo u magacaabay ku xigeenkiisa Riek Machar

0
502

Madaxweyne Salva Kiir oo u magacaabay ku xigeenkiisa Riek Machar

Madaxweynaha dalka Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa u magacaabay hogaamiyihii hore ee mucaaradka Riek Machar Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowladiisa maalin kadib markii ay gaareen heshiis dhismo dowlad midnimo qaran.

Dalka hodonka ku ah saliida ayaa xoriyada ka qaatay dalka Sudan sanadkii 2011kii,balse labo sano kadib waxaa dalka ka bilowday dagaalo sokeeye oo ay ku dhinteen illaa afar boqol oo kun uu ku dhex dhacay dagaal sokeeye,waxaana ka qaxay kumanaan ruux.

Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii Madaxweyne Kiir uu xilka ka qaaday ku xigeenkiisii Machar,kaasoo sameystey jabhad dowlada ka soo horjeeda.

“Anigoo ah Madaxweyne Salva Kiir Mayardit,Madaxweynaha Koofurta Sudan waxaan halkan ku soo saaray xeer aan ugu magacaabay Dr Riek Machar Teny Madaxweyne ku xigeenka koowaad taasoo isla maantaba dhaqan galaysa.”ayaa laga aqriyay taleefishinka dowlada.

Heshiiskan ayaa yimid kadib markii Madaxweye Kiir uu ugu dambeyntii aqbalay in la yareeyo gobolada dalka Koofurta Sudan oo ahaa 32 lagana dhigo 10 gobol.taasoo ahayd dalabkii ugu weynaa ee kooxda mucaaradka.

Machar ayaa lagu wadaa in saaka oo Sabti ah la dhaariyo iyadoo sidoo kale saddex madaxweyne ku xigeeno lala dhaarinayo.

Kiir ayaa sidoo kale kala direy golihii wasiirada,waxana uu magacaabay wasiir cusub iyo la taliyaha dhinaca ammaanka,waxaana la qorsheynayaa in maanta oo sabti ah la magacaabo golaha wasiirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here