“Muuse Biixi Waanu Qabanaynaa Oo Waanu Saxaynaa Qoladayadii Keentay”…Siyaasi Maxamuud Xaashi

0
365

“Muuse Biixi Waanu Qabanaynaa Oo Waanu Saxaynaa Qoladayadii Keentay”…Siyaasi Maxamuud Xaashi

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in ay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka toosinayaan waxyaabaha uu ku khaldan yahay sidoo kalena loo baahan yahay in la qabto xisbiyada mucaaradka.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay xafladda Daahfurka Buugga Hodanka Baahan ee Hoggaamiye Xirsi qoray ayaa Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin ugu baaqay in qabtaan Madaxweyne Biixi oo uu tilmaamay in ay beel ahaan kursiga ku saareen dibna u dhigaan loolankooda isaga oo tilmaamay in xilligan Qaranku halis ku jiro.

Maxamuud Xaashi oo arrintan ka jawaabayay ayaa yidhi “Faysal wuxuu yidhi qoladiinii Muuse keentay, Illaahay baan kugu caddaabayn oo Muuse anaga keenay kuna calaacali mayno oo odhan mayno waanu ku khaldanayn, Muuse dee waa madaxweynihii Qaranka walina muddo xileedkiisu kalabadh ma gaadhin, meel aan maanta ka soo quusanayna anigu ma arko. Waxa aan leeyahay waxa inaga qalloocan si xigmad leh aan uga tashanno.”

Maxamuud Xaashi wuxuu intaasi ku daray “Muuse waan saxayna oo waa qabanayna qaladayadii keentay dee Faysalow idinkana qoladiina mucaaradka ah waa la idin qabanaya, Muuse oo qudha la qaban maayee idinkana waa la idin qabanaya mid walba geed baa lagu xidhaya; dantu hebello isu muuqdana ka weyn, qarankeenu midnimo, wadajir iyo wada tashi baynu kaga baxayna duruufahan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here