Askari nus dollar awgeed u dilay nin shacab ah iyo caro xoogan oo ka dhalatay

0
433
Kenya Defence Force soldiers arrive in Garissa University College in Garissa April 4, 2015. REUTERS/Goran Tomasevic

Askari nus dollar awgeed u dilay nin shacab ah iyo caro xoogan oo ka dhalatay

Askari ka tirsan Booliska Kenya ayaa toogtay nin ka mid ah dadka mootada kaga shaqeysta magaalada Nairobi ka dib markii uu u diiday inuu siiyo lacag aad u yar.

Daniel Mburu Wangari ayaa la sheegay in mootadiisa uu kusoo qaaday ilma yar oo ku haftay biyaha webi mara duleedka Nairobi iyo hooyadii dhashay canuga, waxaana uu usoo qaaday isbitaal, si loola tacaallo xaaladda canugaas.

Ninkii mootada waday ayaa markii uu yimid isbitaalka Mama Lucy waxaa uu qeybta degdeg geeyay canugii yaraa ee uu soo qaaday, waxaana loo oggolaaday inuu gudaha u galo, balse waxaa loo diiday inuu mootada gudaha la galo.

Ciidan boolis ah oo ku sugnaa albaabka isbitaalka ayaa ninkii mootada waday waxay ka dalbadeen lacag dhan nus dollar, si mootadiisa loogu oggolaado inay gudaha gasho balse ninkan ayaa sheegay inuusan awoodin oo uu la baxayo mootadiisa, waxaana goobtaas ka dhacay muran sababay in askariga uu toogto ninkan oo markiiba goobta ku dhintay Sida ay dad goobjoogayaal u shegeen wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya.

Booliska Kenya ayaa sheegay iney baaritaan wadaan askariga dilka geystayna sharciga la marin doono, waxaana falkan aad uga carooday shacabka magaalada Nairobi oo si weyn iskugu dhaafsaday sheekadan baraha bulshada.

“Waxay ka dalbadeen lacag 50 shilling Kenya AH (nus dollar ah), balse waxaa uu ku yiri ma hayo lacagtaas. Dadkii kale ayaa ku yiri bannaanka iska dhigo mootadaada, markiiba waxa uu damcay in uu bannaanka dhigto mootada, waxaana booliska uu ka dalbaday inay u oggolaadaan inuu mootada dhigto bannaanka isbitaalka,” ayuu yiri qof goobjooge ah oo la hadlay Daily Nation.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here