Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Shaqada Ka Ruqseeysay Askari U Gacan Qaaday Qof Dumar Ah

0
878

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Shaqada Ka Ruqseeysay Askari U Gacan Qaaday Qof Dumar Ah

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shaqada ka Eryay saddex alifle Mahad Cabdi Cismaan, kadib markii maanta qof Dumar uu ugu gacan qaaday barahama Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Aadam Saqadi ayaa waxaa lagu shaaciyay in shaqada laga ruqseeyay Mahad Cabdi oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska uuna sameeyay tallaabo xad-gudub ah.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidanka Booliska ay yihiin saaxiibka dadweynaha, isla markaana Taliska sare uusan aqbalaynin ficilada noocan oo kale.

Baraha Bulshada ayaa waxaa lagu faafiyay muuqaal kooban oo laga soo duubay saddex alifle Mahad Cabdi Cismaan oo bartamaha Magaalada Hargeysa ku dharbaaxayo Gabar dhalinyaro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here