Koox Weerar Ku Qaadi Laheyd Masaajido Oo Gacanta Lagu Dhigay

0
411

Koox Weerar Ku Qaadi Laheyd Masaajido Oo Gacanta Lagu Dhigay

Xubno ka tirsan kooxaha midigta fog ee dalka Jarmalka ayaa la xiray kaddib markii ay qorsheynayeen inay weeraraan misaajido, siyaasiyiin iyo dadka magangelyo doonka ah, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha ee dalkaas.

Xubnahan oo gaarayo ilaa 12 qof ayaa waxay ka tirsan yihiin koox lagu magacaabo Der harte Kern, waxaana xabsiga la dhigay Jimcihii.

Qof kale oo ka tirsanaa kooxdan ayay booliska ku raad joogaan, sida uu ku warramay wargeyska Welt am Sonntag.

Jarmalka waxaa kusoo batay dadka taageero kooxaha midigta fog gaar ahaan waxaa laga taageera deegannada bariga dhaca.

Mas’uuliyiinta Jarmalka waxay wadaan howlgallo lagu raadinayo dadka ka tirsan ururka midigta fog kaddib dilkii loo geystay siyaasi u dhashay dalkaas iyo weerarkii lagu qaaday goob ay ku cibaadeystaan dadka Yuhuudda ah sannadkii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here