Madaxweyne Trump Oo Xayiraad Kusoo Roggaya Dalal Ka Tirsan Afrika

0
620

Madaxweyne Trump Oo Xayiraad Kusoo Roggaya Dalal Ka Tirsan Afrika

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in afar dal oo Afrikaan ah uu kusoo roggo xayiraad dhanka socdaalka ah, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Waxaana la filaya in afarta dal ee uu Trump kusoo roggayo xayiraadda socdaalka ay kala yihiin Nigeria, Tanzania, Suudaan iyo Eritrea, sida laga soo xigtay warbaahin dhowr ah oo ka howlgalo Mareykanka kuwaas oo la hadlay dadka soo arkay liiska.

Madaxweyne Trump oo wareysi siinayay Jornaalka Wall Street Talaadadii ayaa xaqiijiyay inuu ka baaran degayo in dalalka qaar uu ku dari doono liiska waddamada uu xayiraadda dhanka socdaalka ah kusoo roggay balse wuxuu diiday inuu shaaca ka qaado magacyada dalalkaas.

Warbaahinta ayaa sidoo kale ku warrantay in liiska dalalkaas laga doodayo isla markaasna laga yaabo in toddobaadka dambe shaaca laga qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here