Taliska Mareykanka Ee Africa Oo Ka Hadlay Weerar Dhanka Cirka Ah Oo Laga Fuliyey Soomaaliya.

0
466

Taliska Mareykanka Ee Africa Oo Ka Hadlay Weerar Dhanka Cirka Ah Oo Laga Fuliyey Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Africa “AFRICOM” oo ka taageeraya ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Xarrakada Alshabaab ayaa weerar dhanka cirka ah ku qaaday Alshabaab meel u dhaw deegaanka Bengaani.

Ciidamada amaanka ee Soomaaliya ayaa sii-wada hoggaaminta hawlgallada lagu sugayo amaanka dalka iyagoo kaashanaya Ciidamada ka socda Midowga Africa ee AMISOM si loo xoojiyo nabadda islamarkaana loola wareego deegaanno hadda gacanta ugu jira Xarrakada Alshabaab.

“Weerarkan cirka ah ayaa lagu beegsaday dagaalyahannada Alshabaab ee qatarta ku haya ciidamadeenna isgarabsanaya,” ayuu yiri Maj. Gen William Gayler oo ah agaasimaha hawlgallada ee AFRICOM.

Agaasime Gayler wuxuu sheegay in Alshabaab ay baahinayaan nacayb iyo dhibaato islamarkaana AFRICOM ay ka go’an tahay in la taageero ciidamada Soomaaliyeed iyo horumarka laga gaaray nabadda guud ahaan gobolka.

Ujeedka ugu weyn ee AFRICOM ayuu ku sheegay agaasime Gayler in la caawiyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si ay dadkeedu u helaan amni iyo deegaan ay dadka Soomaaliyeed ku noolaan karaan. Wuxuu sheegay in hawlgallada Mareykanka ee Soomaaliya lagu beegsado kooxo uu ku sheegay argagixiso si ayuu yiri aysan ugu sii fidin gobolka intiisa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here