Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlay in shidaal ay ka Baarayaan Soomaaliya

0
429

Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlay in shidaal ay ka Baarayaan Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku casuuntay in shidaal ay ka baarto biyaha Dalkeeda.

Hadalka Mr Erdogan ayaa imaanaya iyadoo xukuumada Ankara ay tan iyo sanadkii 2011-kii si toos ah u garab taagneyd shacabka iyo dowlada Soomaaliya.

Magaalada muqdisho ayaa dhanka kale Turkiga ka hirgaliyay mashaariic kala duwan oo lagu hormarinayo kaabayaasha Dhaqaala.

Isaga oo warfidiyeenada la hadlayay Isniintii shalay kadib markii uu ku laabtay dalkiisa oo uu kaga maqnaa ka qeybgalka shirka nabadeed ee Liibiya oo ka dhacay magaalada Baarliin ayaa wuxuu sheegay Erdogan in casuumada soomaaliya ay talaabo u qaadi Doonaan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dhanka kale meesha ka saaray in macluumaad dheeri ah uu ka bixiyo shidaal qodida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here