Iiraan oo u digtay Milatariga Faransiiska ee ku sugan gacanka Khaliijka

0
406

Iiraan oo u digtay Milatariga Faransiiska ee ku sugan gacanka Khaliijka

Dowlada Iiraan ayaa dhaleeceysay Milatariga Faransiiska ee jooga bariga dhexe kuwaasi oo sheegay in ay la dagaalamayaan kooxaha Argagixisada.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee Iiraan Cabaas Museyfi ayaa dhaleeceyay ciidanka Faransiiska ee ku sugan bariga xeebaha Khaliijka oo u dhow Iiraan.

Hadalkaan ayaa imaanaya laba maalin kadib markii Madaxweyne Emmanuel Macron uu xaqiijiyay in ay xoojinayaan qalabka difaaca ciidankooda ku sugan xeebaha Khaliijka gaar ahaan Sacuudiga.

Mr Cabaas ayaa yiri joogitaanka Milatarigiina waa qalad maxaa yeelay waxay joogaan Biyaheena.

Dowlada Iiraan ayaa intaa ku raacisay in ay ogolaan doonin gardarada Faransiiska iyo cidwaliba oo ku soo xadgudubta Biyaheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here