Soomaali lagu xiray Magaalada Nairobi

0
415

Soomaali lagu xiray Magaalada Nairobi

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa Magaalada Nairobi waxaa ay ku xireen Muwaadiniin u dhashay dalalka Kenya, Mareykanka iyo Soomaaliya, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay weeraro ka geysan lahaayeen gudaha Kenya.

Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in eedeeysanayaan la qabtay xili ay wateen gaari noociisu ahaa Toyota Vitz, isla markaana lagu xiray Xabsi ku yaalla Magaalada Nairobi.

Saraakiisha Ciidanka Kenya ayaa tilmaamay in gaarigaas la qabtay laga dhex helay agabyo kala duwan oo ay adeegsadaan Ciidanka Cirka ee dowladda Kenya iyo lacago kaash ah oo isugu jiray Dollar, Shillinka Soomaaliga iyo Shillinka dalkaas.

Xubnaha la qabtay oo gaaraya ilaa iyo 5 ruux ayaa waxaa ay kala yihiin Muwaadin Mareykan ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabaas Maxamuud iyo laba Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Maxamed Xasan Baariyoow iyo Hodan Cabdi Ismaaciil.

Sidoo kale waxaa jira laba ruux oo kale una dhashay Kenya, kuwaasi oo magacayadooda lagu sheegay Maxamed Aadan iyo Gaarina oo ahaa Darawalkii gaariga ku waday xubnaha, waxaana dhammaantood lagu sameeyn doonaa baaritaano kala duwan, iygdoona lagu eedeeyay inay qorsheynayeen weerar argagixisanimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here