Somaliland oo soo Bandhigtay Ciidamo Cusub oo kasoo goostay Puntland

0
422

Somaliland oo soo Bandhigtay Ciidamo Cusub oo kasoo goostay Puntland

Maamulka Somaliland ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo bandhigay Ciidamo badan ay ku sheegeen inay ka goosteen dowlad Goboleedka Puntland, kuwaasi oo ka howlgeli jiray deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Ciidamadan oo tirro ahaan lagu sheegay 30 Askari ayaa waxaa la socday Saraakiil, waxaana lagu soo bandhigay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, iyagoona Puntland u joogay Degmada Boocame ee Gobolkaas.

Sidoo kale Ciidamadan kasoo goostay Puntland ee ku biiray Soomaliland ayaa waxaa soo dhaweeyey Maamulka Gobolka Sool iyo kan degmada, isla markaana waxaa lagu wareejiyay Taliyaha qeybta Booliska Sool.

Puntland weli kama hadlin Warkaan kasoo baxay Somaliland oo ku aadan Ciidamadan ay soo bandhigeen oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Maamulka Puntland balse ay kusoo biireen dhanka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here