Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu dhawaaqayo

0
565

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu dhawaaqayo

Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta yeelanaya kulan aan caadi aheyn, kaasoo lagu wado in lagu magacaabo Guddiga Qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug ee maalintii jimcihii la soo dhaafay la doortay ayaa shir guddoomin doona kulanka maanta.

Guddoomiyaha cusub Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Labadiisa Kuxigeen ayaa shalay kulan la qaatay afar ka mid ah Musharaxiinta Isbaheysiga ah, waxaana laga dhageystay cabashadooda ku aadan hannaanka ay u socdaan doorashada.

Kulanka maanta ee Xildhibaannada ayaa waxaa marka la magacaabo Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisala soo saari doonaa jadwalka doorashada Madaxweynaha iyo shuruudaha laga rabo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay u badan tahay in doorashada la qabto muddo 10 maalmood gudahood, lana filayo ugu dambeyn dhammaadka bishan Janaayo in la qabto.

Baaq ay soo saareen Musharaxiinta xulafada ah ayaa waxay ku dalbadeen in la siiyo fursad ay Xildhibaanada uga dhex ololeeyaan, isla markaana la joojiyo jidgooyooyinka, xanibaada iyo handadaada lagu haayo Xildhibaanada, sidoo kalena 21 maalmood la siiyo fursad Xildhibaanada, si ay isku bartaan Musharaxiinta Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here