DEG DEG:-Al-shabaab oo weerar xoogan ku qaaday Magaalada Marka

0
495

DEG DEG:-Al-shabaab oo weerar xoogan ku qaaday Magaalada Marka

Wararka aan ka heleyno Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Caawa uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa markii hore waxaa la sheegay inuu ku bilowday weerar qaraxyo ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin xaafadda Ruusiya ee Marka, isla markaana waxaa intaas kadib halkaas ka qaraxyo dagaal xoogan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jugta qaraxyo xoogan oo ay daba socotay rasaas, waxaana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas Caawa ka socda Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here