Fure Gaar Ah U Samayso Adeeggaaga Whatsapp Ka Taleefankaaga – Taleefanka ‘Android’ ka (Qaybta 1aad)

0
1062

Fure Gaar Ah U Samayso Adeeggaaga Whatsapp Ka Taleefankaaga – Taleefanka ‘Android’ ka (Qaybta 1aad)

Dad badan ayaa jecel in xogta ku kaydsan taleefankooda gacantu ay noqoto mid iyaga u gaar ah. sidaa awgeed waxa ay isticmaalaan qufullada sirta ah ee taleefanka lagu xidho, sida wajiga, faraha, ama tirooyin iyo calaamado. Laakiin mararka qaarkood waxaa dhacaysa in fureyaashaasi ay ku filnaan waayaan in aad ku aaminto dhowrsoonaanta sirta ku kaydsan qaybo ka mid ah taleefankaaga, gaar ahaan marka aad dadka qaar u ogolaanayso in ay taleefankaaga furaan.

Qaybaha ay ilaalintoodu sida gaarka ah ugu taagan tahay qofka waxaa ka mid ah barnaamijyada xidhiidhka bulshada ee taleefanka ku jira, kuwaas oo uu ugu horreeyo adeegga WhatsApp oo muddooyinkan dambe ka mid noqday shabakadda ugu badan ee ay bulshadu ku xidhiidho. Inta badanna lagu kaydiyo sawirro gaar ah iyo xogo xasaasi ah oo ay is dhaafsadaan xubnaha qoysku, saaxiibbadu, dadka wada shaqeeya iyo xitaa dadka siyaasadda ologga ku ahi.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa hab uu qofku u awoodi karo in uu qufulo WhatsApp ka, isaga oo ka faa’iidaysanaya adeegyada sugidda ammaanka eek u kaydsan taleefankiisa, tusaale ahaan adeegga taabashada farta ee taleefannada ku shaqeeya ‘Android’ ka iyo sida oo kale adeegyada ‘Taabashada farta’ iyo ‘Deymada wejiga’ ee taleefannada iPhone.

Taleefannada ‘Android’ ka

Si aad WhatsApp kaaga ugu samayso quful kuu gaar ah oo uu yahay taleefan ku shaqeeya adeegga ‘Android’ waxa aad isticmaali kartaa ‘Taabashada Farta’. Laakiin waa in aad marka hore qaybta ammaanka ee taleefankaaga ka soo furto adeegga ‘taabashada farta’ ee ‘Fingerprint’ ka loo yaqaanno. Kaddibna raacaya tallaabooyinkan:

Gal WhatApp ka taleefankaaga.
Taaba calaamadda saddexda dhibcood ee is dulsaaran ah, (?) oo ku taalla cidhifka midi gee sare. Kaddibna liiska kuu soo baxa ka dooro ‘Settings’.
Liiska kuu soo baxa ka sii dhex dooro adeegga ‘Account’
Sii dooro adeegga ‘Privacy’.
Liiska kuu soo baxa hoos u raac, oo ka dooro batamka xidhitaanka farta ee ‘Fingerprint Lock’
Taabo batamka furista adeegga taabashada farta, oo dhinaca midig kaaga muuqanaya. Waxa uu ku weydiin doonaa in aad xaqiijiso ‘Taabashada fartaada’ (Fingerprint). Waxa aad farta saartaa calaamadda taabashada ee taleefanka.
Marka aad bartaas taabato, haddii uu taleefanku aqoonsado in qofka taabtay uu yahay adiga, oo ah qofkii marka hore uu taleefanku qaybta ‘Ammaanka’ ku soo arkay fartiisa, waxaa kuu furmi doona saddex doorasho, oo ah; in uu WhatsApp ku is qufulo isla marka aad isticmaalkiisa faraha ka qaaddo, (Immediately’ in uu is xidho daqiiqad kaddib, (After 1 Minute) iyo in uu is xidho soddon daqiiqadood kaddib, (After 30 Minutes).
Fiiro-gaar ah

– Intaas waxa ka dambeeya waad sii wadi kartaa, waxa se muhiim ah in aad ogaato in aanu adeeggani kuu shaqaynayn haddii aanad marka hore taleefanka qaybtiisa ammaanka ka soo furan adeegga furaha ammaanka ee ‘Fingerprint’.

– Adeeggani waxa uun uu kuu shaqaynayaa haddii uu barnaamijka ‘Android’ ee taleefankaagu uu yahay nuqulka ‘Android 6.0’ iyo wixii ka sii dambeeya.

– Sawirrada ku lifaaqan qormadani waxa ay kaa caawinayaan in aad si muuqaal ah u aragto tallaabooyinka aynu kor ku soo xunsay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here