Suldaan cusub oo loo dhaariyay Cumaan, kaddib geeridii Suldaan Qaboos

0
502

Suldaan cusub oo loo dhaariyay Cumaan, kaddib geeridii Suldaan Qaboos

Boqortooyada Cumaan ayaa yeelatay Suldaan cusub oo hoggaamin doona, kaddib geeridii Suldaankii dalkaas xukumayay mudada 50-ka sano Suldaan Qaboos Bin Saciid.

Haitham bin Tariq al-Said oo ahaa Wasiirka Dhaqanka ayaa loo dhaariyay inuu noqdo Hoggaamiyaha cusub ee Cumaan, isagoo ay ilmo adeer yihiin Suldaanka geeriyooday.

“Haitham bin Tariq waxaa loo dhaariyay inuu noqdo suldaanka cusub ee Cumaan, kadib kulan ay yeesheen Qoyska reer Aala-Saciid, kaasoo goaansaday inuu magacaabo qofka loo doortay Suldaanka”ayaa lagu yiri War ka soo baxay dowladda Cumaan oo lagu qoray Barta Twitter-ka.

65-jirkaan ka mid ah Boqortooyada ayaa noqonaya Suldaankii 10aad ee soo mara Saldanada dalka Cumaan.

Suldaan Qaboos ayaa lagu wadaa in maanta la aaso, waxaa la filayaa in aaskiisa ay ka qeyb galaan Madax ka socota dalalka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here