Shirka Sanadlaha Ah Ee Madasha Dooxa Forum Oo Goordhow Furmay

0
438

Shirka Sanadlaha Ah Ee Madasha Dooxa Forum Oo Goordhow Furmay

Waxaa goordhow magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar ka furmay shirka sanadlaha ah ee Madasha Doxa Forum oo ay ka qeyb galayaan madax ka kala socota wadamo badan oo caalamka ah oo Soomaaliya ay ku jirto.

Amiirka dalka Qatar oo madasha furay shorkaas ayaa soo dhaweyn u sameeyay dhamaan ka qeybgalayaasha isaga oo sheegay in uu filayo natiijooyin wanaagsani ka soobixi karaan dhamaadka Madashaan.

Dhinaca Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Hassan Ali Khaire ayaa khudbad ka jeedin doona shirka maanta furmay isaga oo kaga hadli doono arrimaha Somalia kaalinta dalalka ka qeybgelaya ay ku leeyihiin hormarka dalka iyo caqabadaha weli ku horgudban Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here