Madaxweyne Deni oo la kulmay Mid kamid ah Wasiirada ugu awooda badan Itoobiya

0
529

Madaxweyne Deni oo la kulmay Mid kamid ah Wasiirada ugu awooda badan Itoobiya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caasimadda dalka Itoobiya kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Itoobiya Axmed Shide.

Soo dhoweyn iyo isxog waraysi kadib Madaxweyne Deni iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga, horumarka iyo xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Puntland soo dhoweynayso iskaashiga horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland. Waxaana uu Madaxweynuhu u rajeeyey shacabka iyo dowladda Itoobiya Amni iyo horumar.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Itoobiya Axmed Shide ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka isaga iyo Madaxweynaha, waxaana uu tilmaamay in ay dhankooda diyaar u yihiin dardargelinta iskaashiga ganacsi, amni, horumar iyo deris wanaag ee ka dhexeeya labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here