Al Shabaab oo war ka soo saartay weerarkii Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho

0
427

Al Shabaab oo war ka soo saartay weerarkii Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho

Ururka Al Shabaab ayaa si rasmi ah uga hadlay weerarkii abaabulnaa ee maleeshiyadooda ay ku galeen Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho, kuna yaala meel ku dhow Madaxtooyada Somaliya.

Bayaan ka soo baxay Ururka Al Shabaab, uuna ku saxiixnaa Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa waxaa lagu faah faahiyay weerarka, khasaaraha ka dhashay iyo weliba cidda ugu badan ee khasaaraha lagu gaarsiiyay.

Bayaanka ayaa u qornaa “Maalintii Talaadada oo taariikhdu ku beegneyd 13 Rabiicu-Thaani 1441H, oo waafaqsaneyd 10/12/2019, dagaalyahano Mujaahidiin ah oo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa qaaday weerar beegsanayay xubno ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Hotelka aadka loo ilaaliyo ee SYL.”

“Ka dib markii ay laayeen ilaaladii joogtay ilinka hore ee dhismaha, waxay Mujaahidiintu durbadiiba u sii gudbeen qaybaha uu ka koobnaa dabaqa si ay u baacsadaan Saraakiishii Dowladda ee ku dhuumaaleysanayay gudaha.”

“Maleeshiyaatka dowladda ayaa sameeyey dadaalo naf la caarinimo ah, si ay usoo afjaraan weerarka, balse dadaaladaas ayaa ku soo idlaaday rajo beel, waxayna qaadeen ugu yaraan lix weerar oo ay ku doonayeen inay ku qabsadaan dhismaha, laakiin waxay la kulmeen khasaare xoogan.”

“Hawlgalka toogashada oo socday muddo 8 saacadood oo xiriir ah ayaa ku soo idlaaday dhimashada ugu yaraan 25 oo isugu jira Saraakiil sarsare, xubno ka tirsan militariga iyo Police-ka, ilaalada Madaxtooyada, Shaqaalaha Dowladda iyo basaasiinta dharcadka ah ee ridada.”

“Kala bar khasaarahan wuxuu soo gaaray ciidamadii uu soo tababaray Turkiga, kuwaas oo laga dilay ugu yaraan 13 askari, xilli ay isku dayayeen inay soo afjaraan weerarka. Ugu yaraan 39 kale oo ka mid ah cadowga ayaa ku dhaawacmay weerarka, kuwaas oo ay ku jiraan Wasiirro hore, Xildhibaano iyo saraakiil amni.”

“Xarakada Al Shabaab waxay ballanqaadeysaa inay sii wado doonto hawlgalada ay ku beegsaneyso xukuumada iyo xulafadooda, illaa iyo inta laga xoreynayo dalka Muslimka ah ee Somaliya ee ku hoos jira gumeysiga, Shareecada Allaahna si dhameystiran loo hirgelinayo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here