Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Aljeeriya Oo Xukun Adeg Lagu Riday

0
438

Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Aljeeriya Oo Xukun Adeg Lagu Riday

Maxkamad ku taal waddanka Aljeeriya ayaa waxa ay xabsi muddo dheer ah ku ridday laba ra’iisul wasaare oo hore xilli uu soconayo baaritaan ballaaban oo dhinaca musuq maasuqa.

Ahmed Ouyahia ayaa waxaa lagu xukumay 15 sanadood oo xarig ah halka Abdelmalek Sellal lagu xukumay 12 sanadood oo xarig ah.

Waxaa lagu eedeeyay inay ku takrifaleen awoodda, taas oo la xiriirta fadeexad lacago la lunsaday oo salka ku haysa sameynta gawaari.

Waxa ay aheyd markii ugu horraysay oo wasiirro hore la maxkamadeeyo tan iyo markii Aljeeriya ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska 1962.

Labada nin ayaa waxa ay xulafo la ahaayeen madaxweynihii mudada dheer dalkaasi maamulayay, Abdelaziz Bouteflika, kaas oo iscasilay bishii Abriil kaddib dibadbaxyo ballaaran oo maamulkiisa loogaga soo horjeestay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here