Dowlada Turkiga oo Tarxiishay Maxaabiis ka tirsan Daacish

0
470

Dowlada Turkiga oo Tarxiishay Maxaabiis ka tirsan Daacish

Dowlada Turkiga ayaa tarxiishay 11 muwaadin oo u dhashay Faransiiska kana tirsanaa dagaalyahanada Daacish.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada amniga Turkiga Isniinta maanta ayaa lagu xaqiijiyay arintaan inkastoo macluumaad dheeri ah aan lagu Darin.

Qorshahaan ayaa qeyb ka ah go,aan bishii hore ka soo baxay dowlada Turkiga oo ahaa in dagaalyahanada shisheeyaha ah ee ku xiran dalkeeda ay u tarxiili doonto wadamada ay ka soo Jeedaan.

Sida laga soo xigtay diblumaasiyiin ka tirsan Turkiga maxaabiista la tarxiilay ayaa ka koobnaa afar dumar ah iyo todobo caruur ah.

Dumarkaan ayaa waxaa ka mid ah Amandine Le Coz oo ururka Daacish ku biirtay sanadkii 2014-kii.

Tooba Gondal oo iyaduna Faransiis ah kana tagtay UK sanadkii 2015-kii ayaa iyaduna qeyb ka ah maxaabiista laga tarxiilay Turkiga.

Wadamada reer Yurub ayaa horay kala noqday aqoonsiga Muwaadinimo shaqsiyaadka ku biiray Daacish, walow turkiga uu sheegay in uusan heyn doonin maxaabiista Ajnabiga ah ee ka tirsan Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here