Abiy Ahmed oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Nabadda

0
469

Abiy Ahmed oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Nabadda

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Nabadda ee Nobelka xaflad ka dhacday magaalada Oslo ee dalka Norway.

Guddoomiyaha guddiga Nobel Berit Reiss-Andersen oo guddoonsiisay abaalmarintan Abiy Ahmed ayaa sheegtay in uu wakiil ka yahay “Hoggaamiyaasha cusub ee Africa kuwaasoo xaqiijiyay in khilaafka lagu xaliyo si nabad ah.”

“Waxaan nahay annagoo dhan Ethiopian waayo hogaamiyaheeda waxa uu qeyb weyn ka qaatay nabadda,”ayay sii raacisay Berit Reiss-Andersen.

Abiy Ahmed oo ka hadlay xaflada abaalmarinta nabadda ayaa ka sheekeeyay dhibaatadii iyo xanuunkii uu lahaa dagaalkii dhex maray dalalka Ethiopia iyo Eritrea.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in isagoo ka mid ahaa ciidamada Ethiopia intii u dhexeysay 1998-2000 dagaalkii kala dhexeeyay Ertirea ay ku dhinteen dhammaan unugii uu ka tirsanaa kadib markii madaafiic lagu garaacay magaalada Badme.

“Waxaan ammaanayaa Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo qeyb ka ahaa inaan ku guuleysto abaalmarintan,:”ayuu yiri Abiy Ahmed.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa lagu ammaanay in kala bar xilalka Golaha Wasiirada dalka Ethiopia ay yihiin haween,uuna abuuray Wasaarad gaar u ah Nabadda iyo weliba heshiiskii uu la gaaray dowlada Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here